In aad codsatid kalkaaliye gaar ah wexy u muuqan kartaa arrin adag oo dhib badan, gaar ahaan haddii la rabo wax dhaafsiisan buuxinta iyo dirista foomka codsiga dabadeedna si aamusnaan ah loo sugo go’aanka.
Waxannu hadaba kaa caawin karnaa:
- Diyaarinta waxyaabaha caddaynaya baahidaada,
- isku dubbaridka qodobbada loo baahan yahay si wakaaladda caymiska bulshada (Försäkringskassan) ama degmadaadu u sameeyaan baadhitaan buuxa oo aan kaa dhan ahayn,
- xidhiidhka hey’adaha dowladda,
- haddii loo baahdo looyar (sharciyaqaan aannu kuu qaqbanno) kaas oo la xidhiidha codsiga,
- diyaarinta shaqaale ku habboon rabitaankaaga iyo baahidaada iyo
- arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha iyo maamulka shaqaalaha.
Arrimahaasi dabcan waxay ku xidhanyihiin baahidaada iyo rabitaankaaga.